Al-shabaab oo amar kusoo rogtay mid kamid Shirkadaha xawaaladaha ugu caansan dalka Soomaaliya.

Al-shabaab oo amar kusoo rogtay mid kamid Shirkadaha xawaaladaha ugu caansan dalka Soomaaliya.


Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta koofurta, bartamaha iyo Bariga Soomaaliya ayaa maanta soo saaray Amar ay ku xirayeen Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee kamid ah shirkadaha xawaaladda dalka Somalida.

Warar hor dhaca ah oo soo baxaya ayaa waxa sheegayaan in qoraal wargalin ah la gaarsiiyay xarumaha shirkadda DahabShiil ay ku leedahay dalka Somaliya qeybaha Shabaabku kataliyaan isla markaasna ku amartay in albaabada leesugu dhufto dhamaan xarumaha shirkadda xawaaladda.

Arintaas waxa ay horseeday in laxiro dhamaan xarumaha Dahabshiil e kahowl gala deegaanada Shabaabku maamulaan.

Lama oga waxa sababay in Shabaab ay xilligaan xiraan shirkadaan oo dad badan oo Soomaaliyeed ay Bank ahaan u isticmaalaan halka qaar kalana lacago ay ku xawilaan ama loogu soo xawilo.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada