Wiil uu dhalay Sheekh Soomaaliyeed oo Caan ah oo lagu dilay Magaalada Cape Town(Daawo Sawirada)

Wiil uu dhalay Sheekh Soomaaliyeed oo Caan ah oo lagu dilay Magaalada Cape Town(Daawo Sawirada)


Allaha u naxariistee waxa lagu dilay Magaalada Cape Town xaafad hoos timaada oo lagu magacaabo Ridrid Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Muuse Sheekh Nuuradiin Rooble xuurshoow oo aabihii si weyn loogu yaqaanay aduunka oo dhan kaasi oo ahaa Sheekh akhrin jiray tafsiirka quraanka kariimka.

Kooxo hubeysan oo aanan heybtooda la garanaynin ayaa soo weeraray dukaankii uu lahaa marxuumka kuwaasi oo toogtey ka dibna isaga cararay goobta iyadoo booliska amaanka ee Koonfur Africa oo isagane soo gaaray meesha daqiiqado ka dib balse aysan u suura gelin in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglayashii ka danbeeyey falankani foosha xun,

Geerida Marxuumka Muuse Sheekh nuuradiin Rooble Xuurshow ayaa warbaahinta waxaa u xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida Gobolka Western Cape Muuse Muude Afrax oo gaaray goobta uu dhibka ka dhacay.

Todobadkii hore dhamaadkiisa ayay ahayd ay Soomaali iyo bakistaan ay mudaaharad weyn ka dhigeen irida hore ee baarlamaanka Koonfur Africa iyagoo muujiyey dareenkooda ku aadan dhibaatada aan gambashada lahayn oo lagu haayo dadka qaxootiga ku ah wadankani kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loogu dilayo looguna dhacayo Hantidooda.

Koonfur Africa ayaa noqotay gawaan lagu gowraco Soomaalida iyadoo qaarka mid ah soomaalida ay kal hore isaga laabteen wadankooda ka gadaal markii ay dhibaato badani ay kala kulmeen dalkani kuwasi oo qaarkood dhaawacyo kasoo gaaray weeraro lagu soo qaaday.







_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada