Aqri magaca Sarkaal Nabad Sugidda Soomaaliya katirsanaa oo Al-Shabaab ay sheegtay in ay Muqdisho ku dishay.

Aqri magaca Sarkaal Nabad Sugidda Soomaaliya katirsanaa oo Al-Shabaab ay sheegtay in ay Muqdisho ku dishay.

daajis.com:-war-saxaafadeed lasoo dhigay Barta Twitter-ka Shabaabku ay ku leeyihiin ayaa lagu faaqiday dil xalay ka dhacay Muqdisho, oo ahaa mid bar-tilmaameedkii loogu tala galay asiibay.

Ciidankooda sida gaarka ah u tababaran ee Shabaabku leeyihiin ayaa isgoyska Banaadir ee degmada Wadajir ku Khaarijiyay Sarkaal lagu magacaabi jiray Cawil Xasan, sida lagu sheegay bayaanka Shabaabka.

waxaa intaa uu ku sii darayaa war-saxaafadeedku in Cawil waayahaan si aad ah ay u doon doonayeen dilkiisa, kadib markii ay bateen waxa ay ugu yeereen dhibaatooyinka Shababka ka dhanka ah ee uu ku dhaqaaqayay.

“Mujaahidiintu waxay shacabka muslimiinta ah ka hor leexiyeen sarkaal murtad ah oo lagu magacaabi Jiray Cawil Xasan Ninkaasi dhibaata xoogan ayuu ku hayay shacabka Muqdisho”, bayaanka ayaa lagu sheegay.

Si kastaba Sheegashada Shabaabka dowlada Soomaliya, gaar haan hey'adda Nabad Sugidda qaranka Soomaaliyeed wax war ah kama soo sarin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada