Musharixii ugu horeeyay ee isu soo taaga xilka madaxtinimada ee Jubbaland oo ka degay garoonka dayuuradaha ee Kismaayo

Musharixii ugu horeeyay ee isu soo taaga xilka madaxtinimada ee Jubbaland oo ka degay garoonka dayuuradaha ee Kismaayo

daajis.com:-Shiikh Maxamed Ibraahin Shakuul oo ah nin ganacsade ah kuna leh ganacsi badan magaalada Nairobi ayaa haatan isu soo taagay xilka madaxtinimada maamulka Jubba land oo dhowaan ergooyin ka socday saddexda gobol ee Jubbada Hoose,Jubbada Dhexe iyo Gedo ay ku ansixiyeen axdiga uu yeelanayo Jubba Land.


Garoonka dayuuradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Shiikh Maxamed Shukuul taageerayaashiisa isagoo bilaabay inuu la kulmo qaar ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka iyo sidoo kale mudanayaasha baarlamanka Soomaaliyeed ee gaaray shalay magaalada Kismaayo .
Waxaa la rajaynayaa in siyaasiyiin badan ay ku dhowaaqaan inay u sharaxan yihiin xilka madaxtinimada maamulka la magac baxay Jubba Land. Shiikh Shakuul ayaa waxa uu sheegay in shacabka Jubbooyinka ay rabaan in ay maamul goboleed samaystaan sidaa darteedna loo baahan yahay in la ixtiraamo isagoo sheegay in afar qodob ay muhiim tahay in la ixtiraamo.
Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa saxmad badan iyadoo ay ku sii qulqulayaan siyaasiyiin badan oo doonaya inay xilal ka qabtaan maamulka cusub ee la filayo in dhowaan loogaga dhowaaqo magaalada Kismaayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada