Aqri magaca Sarkaal Shabaab ah oo AMISOM ay sheegteen in ay ku dileen weerar gaadma ah

Aqri magaca Sarkaal Shabaab ah oo AMISOM ay sheegteen in ay ku dileen weerar gaadma ah


Maxamed Abuu Saciid oo katirsanaa kooxda Shabaab ayaa las hegay in lagu khaarijiyay weerar gaadma ah oo AMISOM ay ku ekeysay kolonya gaadiid ah oo uu lasocay kuwaa oo marayay gobalka Sh/ Hoose.

Major Henry Obo oo katirsan Xafiiska Warfaafinta taliska AMISOM ee Soomaaliya daaha karogay dilka Amiir Maxamed Abuu Saciid.

Obo ayaa intaa raaciyay in ay weerarka ku qaadeen isaga iyo ilaaladiisa kadib markii ay kawar heleen in uu kusuganyahay qeybo gobalka kamid ah uuna doonayay in uu falal argagaxiso fuliyo.

Henry Obo ayaa ku faanay in AMISOM ay hayaan Hub, Dareys ciidan iyo qalab Isgaarsiin uu watay sarkaalka Shabaabka ah ee ay khaarijiyeen sida ay sheeganayaan.


Shabaabku maxaqiijin geerida Amiirka iyaga oo sidoo kalana aan soo saarin warar ay ku beeninayaan, waxaana sheegashada AMSIOM ay noqoneysaa tii ugu horeysay taariikhda oo ay ku faanaan in aay weerar qorsheysan ku dileen xubin katirsan Al-qaacidada Soomaaliya.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada