Conte : Wargeysyada Qaar Waxa Ay Doonayaan In Ay Dumiyaan Xariirka Igala Dhaxeeya Taageerayaasha Juventus .

Conte : Wargeysyada Qaar Waxa Ay Doonayaan In Ay Dumiyaan Xariirka Igala Dhaxeeya Taageerayaasha Juventus .


Tababaraha Juventus Antonio Conte ayaa muujiyay sida weyn ee uu uga careysan yahay wararka ay wargeysyada Talyaaniga dhawaanahaan qorayaan ee ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda Juve.
Wargeysyada qaar ayaa isla dhex marayay in Conte ay suura gal tahay in uu tababare u noqdo kooxda Inter Milan ee uu loolanka soo jireenka ah uu kala dhaxeeyo Juventus .
” Ma dhihin waan ka tagayaa Juventus inkastoo ay og yihiin in Juve aan hishiis kula jiro balse waxa ay haatan qorayaan wargeysyada qaar waa mid ujeedkeedu yahay in lagu bur buriyo xariirka taageerayaasha igala dhaxeeya iyo in la wasaqeeyo shumacadeyda” ayuu yiri Conte “.
Warar kale oo horay u soo baxay ayaa tababarahaan la xariirinayay in laga yaabo in uu gaaro horyaalka Ingiriiska gaar ahaan kooxda Chelsea .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada