Shabaab oo mid kamid ah Shirkadaha xawaaladaha Soomaaliya ku eedeeyay in ay maleegeyso qorshayaal kooxda ka dhan ah xaruma ay laheydna albaabada isugu dhuftay

Shabaab oo mid kamid ah Shirkadaha xawaaladaha Soomaaliya ku eedeeyay in ay maleegeyso qorshayaal kooxda ka dhan ah xaruma ay laheydna albaabada isugu dhuftay


Toban xarumood oo Shirkadda Xawaalada Dahabshiil ay kulaheyd gobalada Hiiraan, Baay, iyo Bakool ayaa dagaalamayaasha Shabaabku waxa ay mar qur ah ku amreen in laxiro kadib markii ay ku eedeeyeen in ay ku howlanaayeen falal Shabaabku aysan jeceleysan.

Xarumaha Shabaabku ay qataareen ayaa waxa ay kala yihiin kuwii ku yiilay Degmooyinka Buula-Burde, Jalalaqsi, Maxaas, Moqakori, Halgan, Buqa-qable iyo Ceel Cali kuwaas oo dhamaan katiran gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo iyana shaqadoodii laga hor joogsaday xarumihii shirkadu kulaheyd Degmooyinka Xudur, Waajid, Tayeegloow, Rabdhuure, Diinsoor iyo Ufuroow oo iyana hoos taga gobalada Baay iyo Bakool.

Sababta Rasmiga ah ee Shirkadaan xarumaheeda loo xayiray Shabaabku mashaacin hasa yeeshee waxaa wararka dadka deegaanadaasi ku sugan ay daaha karogayaan in ay bixi waayeen maamulayaasha xarumahaasi qarashaad lagu amray in ay uga qeyb qaataan dagaalka Shabaabku ka hurinayaan Koofurta, Bartamaha iyo Bariga Soomaaliya.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada