Aroosad ka carartay Xafladii Arooskeeda si ee War Deg Deg Ah u tabiso (Daawo Sawirada)

Aroosad ka carartay Xafladii Arooskeeda si ee War Deg Deg Ah u tabiso (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Saxafiyad u dhalatay Dalka Shiinaha ayaa ka carartay Xaflada arooskeeda xili lagu guda jiray damaashaadka arooskeeda kadib markii loo soo sheegay War Deg Deg Ah oo ku aadaanaa dhul gariir ku dhuftay Deegaano kamid ah Dalka Shiinaha.

Chen Ying ayaa mar qura ka booday xaflada arooskeeda kadib markii uu dhul gariir ku dhuftay Deegaanka Sichuan ee koonfurta Shiinaha , waxa eena Durbo u dhaqaaqday Shaqadeeda si ee Wararka ku aadan Dhul gariirka usoo tabiso.

Gabadhan Wariyaha ayaa Tifatire ka aheed shabakada Weibo ee dalka Shiinaha waxaana la arkayay Xiliga ee Warka soo tabineysay iyada oo wadata taajka Arooskeeda sidoo kale gacanta ku wadata ubaxii Arooskeeda lagu gudoonsiiyay.

Dhacdadan ayaana noqotay hadal heyn aad u badan iyadoona Dalka Shiinaha iyo daafaha dunida aad looga hadal hayo Gabadhan Aroosada aheed ee ka carartay xaflada arooskeeda si ee War u tabiso.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada