Daawo Sawirada Aas Balaaran oo Maanta loo sameeyay Wariye katirsanaa Radio Muqdisho oo Muqdisho lagu dilay

Daawo Sawirada Aas Balaaran oo Maanta loo sameeyay Wariye katirsanaa Radio Muqdisho oo Muqdisho lagu dilay

daajis.com:-Allaha u naxariistee Waxaa saaka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu aasay Wariye Maxamed Ibraahin Raage oo katirsanaa Warbaahinta Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka.

Wariyaha ayaa ashalay galab Kooxo hubeesan aan heebtooda la garan waxa ee ku dileen afaafka hore ee gurigiisa iyadoona Kooxihii dilkaasi geestay ee durba goobta ka baxsadeen.

Aaska Wariyaha ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan Wasaarada Warfaafinta Dowlada Soomaaliya iyo Wariyaal kale oo ka howl gala Warbaahinta gudaha iyo dibada kuwaa oo aad uga xumaa Dilka saaxiibkood loo geestay.


Dilalka loo geesto Wariyaasha ka howl gala Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid joogta ah mana jirto Kooxo si rasmi ah u sheegta Dilalka wariyaasha loo geesto marka laga reebo in Kooxo gaar ah lagu tuhmo.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada