Garsoore Clattenburg Oo Ku Laabanaya Stamford Birdge Markii Ugu Horeysay Tan Iyo Dhacdadii Cunsurimada La Xiriirtay.

Garsoore Clattenburg Oo Ku Laabanaya Stamford Birdge Markii Ugu Horeysay Tan Iyo Dhacdadii Cunsurimada La Xiriirtay.

daajis.com:-Garsoore Mark Clattenburg ayaa qaban doona kulan ay ciyaareyso Chelsea markii ugu horeysay axada tan iyo markii lagu eedeeyay inuu cunsurinimo kula kacay John Obi Mikel sannadkii hore.

FA-ga ayaa wax danbe ah ku waayay garsooraha si la mid ah boliiska ayaa iyagana ku waayay wax danbi ah ka dib dhacdadii dhacday 28kii bishii October ee kulankii Manchester United ay guuldarrada ka soo gaartay.

Chelsea ayaa sheegatay markaas inay daacad ka aheyd warbixinta ay ka gudbiyeen Clattenburg ka dib markii Ramires uu aaminay inuu maqlay garsooraha oo hadalo cunsurinimo ah u adeegsanaya Mikel/



Kooxda ayaa markaas ka dib qiratay inay ka qoomameeyeen dareenka saxaafadeed ee ay u soo jiideen Clattenburg iyo qoyskiisa, laakiin waxa ay tibaaxen inay ku faraxsanaan doonaan inuu mustaqbalka ciyaar kale ku dhexdhexaadiyo Stamford Bridge.

Waxaana ururka ay ku mideysan yihiin garsoorayaasha England ee (PGMOL) ay sidoo kale sheegeen inaysan wax dhibaato ah ku qabin inay ciyaar Chelsea ah u dhiibaan garsooraha, waxaana ay u dhiibeen haatan inuu dhexdhexaadiyo kulanka Chelsea iyo Swansea ku dhexmaraya Stamford Bridge axada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada