Booliiska Magaalada Minneapolis ee Mareykanka oo xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah oo Banki Dhacay!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Booliiska Magaalada Minneapolis ee Mareykanka oo xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah oo Banki Dhacay!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Booliiska magaalada Minneapolis, Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay oo la sheegay inuu dhac u geeystay bank ku yaalo magaaladaas. 





Soomaaligaan oo lagu magacaabo Xasan Muuse Farax oo 20 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu soo galay bankiga lagu magacaabo Fargo Bank ee ku yaala magaalada Minneapolis ee dalkaas Mareykanka ka dibna uu halkaas u dhiibay haweeney ka shaqeyneysay warqad ay ku qoran tahay inay siiso lacag dhan 33,000 oo doolar haddii kalase uu dhamaan qarxin doono gabi ahaantiisa bankigaas taas oo keentay inay haweeneydaas ay siiso ninkaas lacag gaareyso ilaa iyo 1,085 oo doolar, iyadoo markaas ka dibna uu ninkaas Soomaaliga ah uu fariistay mid ka mid ah kuraasta wax lagu sugo ee Bankigaas asagoona ku sugaayey halkaas ilaa ay booliiska uga yimaadaan taas oo ayna booliiska oo la gaarsiiyey arintaas ay halkaas ka qabteen ninkaas ayna xabsiga dhigeen ninkaas Soomaaliga ah ee ku kacay falkaas la yaabka leh. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaasi uu xabsiga ku jiro islamarkaana lagu soo eedeeyey burcadnimadaas ayaa waxaa la sheegay in sababta uu ninkaas falkaas ugu kacay ay ahayd in marka la qabto ay booliisku ka musaafuriyaan dalkaas oo dib loogu celiyo dalka Soomaaliya taas oo sida muuqato aan ahayn qorshe ka yimid maskax caadi ah waayo ninkaan ayaa la sheegay inuu hada uu ku eedeysan yahay dambi ah dhacid bank kaas oo uu ku muteysan doono xarig dheer, xataa haddii aysan u jeedadiisa dhabta ah aysan ahayn inuu wax dhaco oo ay ka ahayd oo kaliya in dalkiisa dib loogu celiyo, laakiin su'aasha la isweydiin karo ayaa ah waa yaabee miyeysan jirin dalkaas Mareykanka hab kale oo lagu codsan karo in dib loogu noqdo dalkaaga?. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada