Askarigii toogtay Bin Laden oo Nolol aad u xun ku jira!!(KA BOGO XAQIIQADAN)

Askarigii toogtay Bin Laden oo Nolol aad u xun ku jira!!(KA BOGO XAQIIQADAN)

daajis.com:-Dadka Ameerikaanka ahi waxay u dabaal dageen Sanad-guuradii 2-aad ee kasoo wareegatay Dilkii Usma Bin Laden, laakin Caalamku waxna kama garanayo Xaqiiqada dhabta ah ee la xiriirta Nolosha uu haatan ku suganyahay Askarigii Rasaasta uu ku dhintay ku riday Bin Laden.

Wariye ayaa daboolka ka qaaday Nolosha Askarigaas oo isagu Saddex Xabadood ku dhuftay Bin Laden, wuxuuna Wariyahan oo Majalad Square lagu magacaabo ka shaqeeya uu wareystay Askariga.

Wariyuhu ma uusan sheegin Magaca Askariga, wuxuusa ku ekeystay (Midkii wax toogtay!!).

Dad badan ayaa rumeysan inuu Ninkaasi ku faraxsanyahay Xusuusta Wax qabadkiisii, balse Runtu waxay tahay inaanu Askarigu helin Fursad Shaqo, Ceymis Bulsheed, iyo xitaa Danayn gaar ah oo uu ka helo Cid aan ka ahayn Saaxibadiis iyo Qoyskiisa.

Wareysiga oo Cinwaan looga dhigay: Ninkii Dilay Bin Laden oo Nolol xun ku jira!! Ayaa wuxuu Wariyuhu ku bilaabay inuu ka sheekeeyo wixii ku dhacay Askariga intii uu Howlgalka ku jiray iyo markaas ka dib wixii Noloshiisa ku qabsaday.

Ciidamada Badda Mareykanka oo Askarigan arrintiisa ka hadlaysayna waxay sheegtay inaanay wax Warbixin ah ka heyn Noloshiisa sida ay iminka tahay. Iyadoo tidhi maadaama aanan Warbixin ka heyn, ma awoodno inaaan Kaalmo u fidino.

Marka Xaaladda Askariga loosoo noqdana, Wariyaha arrintan ka warbixiyay wuxuu yidhi “ Askarta uu Ninkan ka mid ahaa ku dhawaad 16 Sano ayeey u tababaranayeen inay Shaqadii looga baahdo qabtaan, waana inay baxaaan oo ay soo qabtaan Shaqooyin iyo in Dad la dilo. Gaba gabadiina waxay gaarayaan Marxalad aanay awoodeyn inay sii wadaan wax qabadka”.

Wuxuu Wariyuhu xaqiijiyay in Midkii Wax toogtay oo uu Askariga Bin Laden dilay Magac uga dhigay uu ka tagay Ciidamada Badda Mareykanka Bishii September, ka dibna ay ka joogsatay Ceymiskii Caafimaad ee isaga iyo Qoyskiisuba ay heli jireen, sababtuna waxay ahayd inaanu Shaqada Ciidamada ku jirin 20 Sano oo laga rabay.

Askarigan Sheekadiisa ugama uusan sheekeyn cid kale, sida Filimaanta kuwa sameeya ama Qoraayaasha Riwaayadaha iyo Dad kaleba, si uu markaas Lacag halkaa ugaga helo.

Sababta uu saas u yeeli waayayna waxay tahay baa la yidhi isaguu ilaalinaya wanaaga Kaalintii Askarinimo ee uu soo qabtay, kana baqaya sidoo kale Nabad galiyada Qoyskiisa.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in Askarigan uu Hal Guri kula noolyahay Xaaskiisa inkastoo ay kala tageen, hase yeeshee Labadooda ayaa doonaya inay Lacag helaan, waxay kaloo iminka ay tagaan Goobo looga hadlayo Adkeynta Xiriirka Xaaska, iyaguse ma oga illaa iyo goorta ay sidan sii ahaan doonaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada