Ciidamada AMISOM oo Maanta baneeyay Guryo dad Shacab lahaayeen oo kuyaala qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Ciidamada AMISOM oo Maanta baneeyay Guryo dad Shacab lahaayeen oo kuyaala qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta baneeyay Guryo ee lahaayeen dad shacab ah oo in mudo u ahaa Ciidamada Dhufeesyo iyo saldhigyo ciidan kuwaa oo ku yaala Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Xaafadaha AMISOM maanta baneeyeen ayaa waxaa kamid ah Xaafado ku dhaw dhaw Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho halkaas ee Ciidamada AMISOM in mudo ah dagnaayeen una diideen dadkii dagnaa in ee u baneeyaan guryahooda si ee u dhistaan una soo dagaan.

Dadweyne fara badan oo aad ugu faraxsanaa in Guryahooda ka baxaan Ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu arkayay xaafadaha ee baneeyeen gaar ahaan jidka Janaraal Daa’uud dadkaa oo fursad u helay mudo sanado ah kadib in ee guryahooda soo eegtaan.

Guryaha ee Ciidamada AMISOM baneeyeen ayaa ah kuwa aad u bur bursanaa inta badana dhulka la sinmay , goobaha ee baneeyeen Ciidamada AMISOM ayaana kamid ahaa goobihii ugu darnaa ee ka dhaceen Dagaalada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xiligii Ciidamada Itoobiya kusugnaayeen Muqdisho.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada