Dagaal Culus oo Xalay Dhax maray labo Ciidamo ee kala wateen Amiiro katirsan Xarakada Al-Shabaab

Dagaal Culus oo Xalay Dhax maray labo Ciidamo ee kala wateen Amiiro katirsan Xarakada Al-Shabaab

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Degmada Baar dheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu dagaal ku dhax maray Ciidamo kawada tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee gacanta ku haya Degmadaasi.

Dagaalka oo ahaa mid Mudo kooban socday ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Ciidamo ee kala Hogaaminayeen Labo Amiir oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo isku fahmi waayay badnow Degmadaasi lagu soo rogay iyo qaabka loo hir galinayao.

Dagaalka labada Dhinac dhax maray ayaa waxaa kusoo baxay Ciidamo kale oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo kala dhax galay labada Ciidan , lamana oga ilaa hada Qasaaraha kala gaaray labada Dhinac iyo midka Dadka shacabka ah kasoo gaaray Dagaalkaasi.

Shacabka Reer Baar Dheere ayaana xalay ahaa kuwa Guryahooda ku xareesnaa iyaga oo ka cabsi qabay in waxyeelo kasoo gaarto dagaal dhax maray Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee gacanta ku haya Maamulka Degmadaasi.

Ma ahan markii ugu horeesay ee Dagaalamaan Ciidamo kawada tirsan Al-Shabaab , waxaana inta badan marka dagaalada Nuucaan ah dhax meraan Al-Shabaab aan laga helin Faah faahino dheeraad ah maadama eesan Shabaabku ka hadlin waxa dhaxdooda ka dhaca.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada