Daawo Sawirada 'Nin Doonayay in Dad Masaakiin ah uu ku laayo Muqdisho oo saakay kaligiis ku halaagsamay Dhibaato uu maleegayay

Daawo Sawirada 'Nin Doonayay in Dad Masaakiin ah uu ku laayo Muqdisho oo saakay kaligiis ku halaagsamay Dhibaato uu maleegayay

daajis.com:-Agagaarka Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho waxaa saakay xili aroor hore ah lana dukanayay SalaadA suabx ka dhacay Qarax Miino oo la kacday nin doonayay in uu halkaasi ku aaso si waxyeelo uga soo gaarto dadka Shacabka ah.

Qaraxan Miino ayaa la dhigayay goob aan ka fogeyn Dugsiga Waxbarashada Howga Xamar sidoo kale ee ku yaalaan Jaamacado iyo Iskuulo badan waxaana qaraxaasi naftiisa ku waayay kaliya dhagar qabihii aasayay ee ujeedkiisi ahaa in dad ku dhintaan.

Ciidamada Dowlda Soomaaliya oo durba qaraxa kadib goobta soo gaaray ayaa gacanta ku dhigay dhoor qof oo looga shakisan yahay in ninkan qarxay gacan kusiinayeen Qaraxan Miino uu dhigayay iyo sidoo kale Gaari Kaarib ah aan laheyn wax taargo ah ee wateen Ragaan.

Taliyaha Laanta Dambi barista ahna Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Bariise oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxan saakay aroor hore dhacay kaliya uu ku dhintay Dhagar qabihii aasayay gacantana ku dhigeen dhoor qof oo looga shakisan yahay in qaraxan wax ka maleegayeen.

Ma ahan markii ugu horeesay uu Muqdisho ku dhintaan dad doonayay in qaraxyo aasaan si dad badan ugu dhintaan balse dhibkii iyo dhagartii ee maleegayeen ilaah kaligood kusoo koobay halkaasna ku dhintay.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada