Dowlada Holand oo Abaal marin Caalami ah Gudoonsiisay Abwaan Soomaaliyeed oo caan ah (Daawo Sawirada)

Dowlada Holand oo Abaal marin Caalami ah Gudoonsiisay Abwaan Soomaaliyeed oo caan ah (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ah Abwaan magac iyo maamuus ku leh Bulsha Weynta Soomaaliyeed meel walbo ee joogaan ayaa la gudoonsiiyay abaal marin caalami ah ee bixiso Dowlada Holand gaar ahaan Boqorada Dalkaasi.

Xaflad balaaran oo lagu abaalmarinta lagu gudoonsiinayay Abwaan Hadraawi ayaa lagu qabtay Hotelka Mnasoor ee Magaalada Hargeysa , waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin sare oo kasocday Maamulka Somaliland , Safiirka u fadhiya Kenya Dowlada Holnad , Abwaano , Fanaaniin iyo Wali Marti sharaf kala duwan.

Safiirka dawladda Holand u qaabilsan Dalka Kenya Joost Reintjes ayaa xalay abaal-marin caalami ah Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku guddoonsiiyey Huteelka Magaalada Hargeysa,taas uu wakiil ka ahaa boqorada dalka Holland Prince Claus oo ka mid ahayd abaal-marinadii ay boqoradu bixisay sannadkii 2012kii.

Abaal marintan ayaa la gudoonsiiyaa sanad kasta dadka wax galka ah ee Bulshada kasoo dhax muuqda sida kuwa ku tilaabsada Hor marka , kuwa Nabada ka shaqeeya iyo sidoo kale Dadka Suugaanleyda iyo afmaalka ah .




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada