Milkiilayaasha Liverpool Oo Talo Weydiistay Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Man United Iyo Arsenal.

Milkiilayaasha Liverpool Oo Talo Weydiistay Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Man United Iyo Arsenal.

daajis.com:-Agaasimaha kooxda Liverpool Ain Ayre ayaa shaaca ka qaaday in milkiilaha kooxda John W Henry iyo gudoomiyaha kooxda Tom Werner inay labadoodaba u dhawaadeen Manchester United iyo Arsenal hada ka hor si ay talo uga weydiistaan qaabka ugu fiican ee loo maareeyo kooxda.

63 jirkaan ganacsadaha Mareykanka ah ayaa la wareegay kooxda bishii October 2010, markii Fenway Sports Group ay ka iibsadeen Tom Hicks iyo George Gillett.

Waxaana Ayre uu qirtay, inkastoo Henry iyo Werner ay qibrad isboorti oo kubada baseball ee kooxda Boston Red Sox leeyihiin, hadana waxa ay haatan weli baranayaan kubada cagta iyo waxa ay tahay, iyagoo talo weydiisanaya kooxaha ay xafiiltamaan.

“Henry iyo Tom labadooda waa dad aad ugu furan sida ay wax ugu dhawaadaan” ayuu Ayre u sheegay suxufiyiinta. “Waxa ay xiriiri la sameeyaan David Gill-ka United iyo Ivan Gazidis-ka Arsenal, iyagoo weydiinaya ‘Maxay idinla tahay?’ taasna waa wax fiican. In la helo fekrado badan oo Isboortiga la xiriira iyo sida wax loo sameyn karo.

“Waa wax fiican in milkiilaha uu xiiso weyn u hayo kubada cagta islamarkaana uu warbixin ku filan heysto halkii uu ka ahaan lahaa qof dhahaya ‘Waxaan guulo ku soo gaaray baseball, sidaasi darteed kubada cagtana waan ku guuleysan karaa.’ Labadoodaba waqti badan ayay ku qarashgareeyeen kooxda iyo ciyaartaba. Taasn Liverpool waa ay u fiican tahay.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada