CILMI BAARIS:DAAWEYNTA IYO LIIMO-UGUNJIDA ISKU DARSAMA WAXAY KEENI KARAAN DHIMASHO.

CILMI BAARIS:DAAWEYNTA IYO LIIMO-UGUNJIDA ISKU DARSAMA WAXAY KEENI KARAAN DHIMASHO.

Sida lagu sheegay war-bixin lagu faafiyay war-geyska daawada ka hadla ee ka soo baxa dalka Canada ee Canadian Medical Association Journal waxaa aad u sii kordhaya dawooyinka dadka loo qoro oo markaas ay dhici karto in markay la fal-galaan Liimo-gunjida (Grapefruit) ay keenaan halis weyn ama xataa mararka qaarkood dhimasho.

liimo
Baaris ay samaysay jaamacadda Western University ayaa lagu sheegay in Liimo-gunjida ay la fal gali karto in ka badan 85dawo oo afka laga qaato oo ay ku jiraan daawada kolostaroolka hoos loogu dhigo (Cholesterol-lowering Statins ), daawooyinka Kansarka, Qalajiyayaasha (Antibiotics) dawooyinka qofka dejiya, kuwa xanuunka loo qaato, dawooyinka wadnaha loo qaato, iyo kaniiniyaal aad loo isticmaalo.

Intii u dhexaysay 2008dii iyo 2012, tirooyinka dawooyinka halista ay ka dhalato marka ay fal-galaan keenaya xanuun daran oo sababa in kilyaha ay shaqayn waayaan ama qofku neefsan waaya, iyo gaastiriikada mindhicirada dhiigga ka yimaado ( Gastrointestinal bleeding ) ay kor uga kaceen 17 ilaa iyo 44, dawooyinkaas ayaa kala bar waxay keeni karaan dhimasho degdeg ah, haddii la qaato cabbitaan Liimo-gunji ama la cuno Liimogunjida laf ahaanteeda.

Kooxdan samaysay daraasaddan ayaa iyadu labaatan sano ka hor waxay sheegeen in liimo- gunjida carqaladayso habka metabolism-ka jirka (macnaha nidaamka jirka dhismo ahaan iyo kimiko ahaan uu u soo saaro, ama u burburiyo walxaha isla markaasna ugu bedelo tamarta (Energy) waana habkaas mid la mid ah qaabka uu jirku u bedlo daawada.

Taasi waxaa macnaheedu yahay in jirka qofka laga heli karo dawooyin, kuwaasoo ay ka samaysmi karayso qashin sun ah ama walaxo heer dhimasho sabab u noqon kara, waxaa hab dhismeedkaas oo kale leh miraha kale ee citrus-ka laga helo, sida liinta Seville oranges(sawirka fiiri) waan tan laga sameeyo malmalaaddada (Marmalade) sidaasoo kale Liinta dhananaan (Limes), iyo limo bambeelmada (Pomelos) laakiin kuma jirto Oranjiga caadiga ah (Regular Orange).


Falka lidka ku ah daawada ee Liimo-gunjada waxay qaadan kataa inuu dhaco muddo saacadao ah ka dib marka uu qofku cabo casiir Liimo-gunji ah ama uu miro ahaan u cuno, taasoo ku filan inuu fal-galkaas horseedo halis aad ah, sida lagu sheegay war-bixinta cilmi baarista.

Dawooyinka baaritaanka lagu sameeyay dhammaantood waa kuwo afka laga qaato wadaagana dabeecado xaaladeed, waxayna leeyihiin heer xaddidan oo ay ku gaarayaan meeshii loogu talo galay (Bioavailability) taasoo macnaheedu yahay in tiro yar oo ka mid ah daawada ay raacayso dhiigga.

Inkastoo ay xogtaan qayb ka tahay war-bixino xagga daawaynta ah hadana dad badan oo ay ku jiraan DHaqaatiir baan ka foojignayn khatarta cilmi baaristan lagu sheegay, dawooyinka sida aadka ah ula fal gala Limmo-ugunjida waxaa ku jira kuwa soo socda:

statins((Zocor, Lipitor) Dawooyinka hoos u dhiga Kolestaroolka ( Cholesterol) .
Procardia, Nimotop, Sular, dawooyinka loo qaato dhiig karka, ama yareeya inay wax-yeelo dhiigu sababay soo gaarto maskaxda (Nimotop )
Maxay yihiin Fal-galada (Interactions) dhici kara?
Waxaa iyadana khataraha la hubo ka mid ah daweynta xaaladahan:

· Qaadashada daawada Buspar ee loo qaato (anxiety) daalka faraha badan, kacsanaanta, warwareerka, cabsida.
· Qaadashada daawada Cordarone ee loo qaato garaacitaanka wadnaha ee aan caadiga ahayn (hoseeya ama sareeya) Heart arrhythmias.
· Qaadashada daawada Zoloft ee loo qaato murugada, walaaca,cabsida Depression-ka
· Qaadashada dawooyinka Tegretol iyoCarbatrol, ee loo qaato Qalalka ama Nerve xanuunka (Seizure or Nerve Pain).

· Qaadashada daawada Malaria-da ee Quinine.
· Qaadashada daawada Halcion ee hurdo la,aanta (Insomnia), waana dawooyinka ugu badan ee dadka ay qabatimaan ee suuqyada yaala.


Diyaarintii: Axmed-yaasiin M.Sooyaan
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada