Daawo Muuqaal+Warbixin:- Falastiiniyiin soo bartay Aalada Internet-ka oo Albaabada iskugu dhuftay Wasaaradihii Webset-yada Yahuuda

Daawo Muuqaal+Warbixin:- Falastiiniyiin soo bartay Aalada Internet-ka oo Albaabada iskugu dhuftay Wasaaradihii Webset-yada Yahuuda

daajis.com:-Dagaalkii u dhaxeeyay Falastiiniyiinta iyo Israaiiliyiinta ayaa gaaray Aalada Internet-ka waxaana iminka soo baxay kooxo Falastiiniyiin ah oo soo bartay Cilmiga iyo Progaramada Internet-ka kuwaas oo quus ku riday Websetyada Wasaarado badan oo laga leeyahay gudaha dalka israaiil. 




Dhalinyaradaan Falastiiniiyinta ah ayaa degay ama Albaabada iskugu dhuftay Websetkii Wasaarada dhaqanka dalka Israaiil iyo Websetyo badan oo ay ku hoowl gali jireen Wasaarado muhiim u ah dawlada Israaiil iyo waliba Websetyo ay lahaayeen Bangiyo la dhigto lacagta.

Masuul u hadlay Dawlada Israaiil laguna magacaabo Roni Bachar oo ka hadlay Guuldarada qabsatay ayaa waxa uu ku faanay in ay garanayaan halka ay ku sugan yihiin kooxahaan Falastiiniiyinta ah ee ku soo weeraray (Anonymous-ka) ayna dhawaan qaadi doonaan talaabo ay kaga taqluusayaan inta aysan gaarin Wasaaradaha waa weeyn ee dalka Israaiil. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada