daajis.com:-Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee Dalka Ceydiid Ilka Xanaf, ayaa waxa uu shaaciyay in Soomaalidu ay isku qaldeyso Garsoorka iyo cadaalad darada, hasa yeeshee Garsoorka iyo Cadaalad daradu aysan shaqo isku laheyn.

Iftiiminta uu ku sameeyay Ilka Xanaf halka Sartu ka qurunsantahay ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo in badan Gaarsoorka Soomaalida lagu eedeeyay in ay saldhig u yihiin Cadaalada darada dalka la degtay.
Waxaa marag madoonta ah in dalka Soomaaliya ay kajirto cadaalad darro aan maxkamadaha shaqo ku laheyn, iyada oo dalka oo dhan lagu arkayo saraakiil darajooyin aan loo dhibtoon ku laafyoonaya iyada oo sidoo kalana ay jiraan shaqooyin dadkii wax u soo bartay ay derbiyada shaqo la’aan ku sheekeeyaan kuwa aan ehel u aheynna shaqadii ay calaajinayaan.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at