Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan loo magacaabay oo maanta xilka la wareegaya

Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan loo magacaabay oo maanta xilka la wareegaya

daajis.com:-Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayaan maamulka cusub ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan iyo Maamulkii hore ayaa maanta la filayaa inay ka dhacdo magaalada Beledweyn, iyadoo Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo Xildhibaano ay ka qeyb geli doonaan.

Shalay oo ay magaalada Beledweyn gaareen Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Kheyraadka dalka oo ay wehliyeen xubnaha maamulka cusub iyo maamulkii hore ayaa ujeedka ahaa sidii labada maamul ay xilalka ku kala wareegi lahaayeen.
Kulamo wada tashi ah oo ka socday bilihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in maamulkii hore lagu qanciyo inuu xilka wareejiyo, si maamulka cusub uga howl galo gobolka.

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la dhashay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa C/kariin Laqanyo oo ku geeriyooday weerarkii is qarxinta ee Beledweyn ka dhacay sanadkii 2009-ki ayaa xilka kala wareegi doona Gudoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.
Munaasabada ayaa ka dhici doonta Xarun ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ku taal magaalada Beledweyn, waxaana lagu soo waramayaa in ammaanka aad loo adkeeyay.
Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa wada qorshayaal ay maamulo KMG ah oo muddo lix bilood shaqeynaya ugu magacaabeyso, waxaana horay maamul ugu magacawday Gobolada Bay iyo Gedo, halka la sugayo inay dhowaan u magacawdo Maamulo gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada