Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf u sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore Norway

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf u sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore Norway

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Norway Mr Bendevic.

Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo xubno ka tirsan Gudiyada baarlamaanka ayaa inta ay booqashada ku joogaan magaalada Oslo la kulmi doona Mas’uuliyiinta dalka Norway iyo Jaaliyada Soomaalida.
Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Norway Mr Bendevic oo Munaasabadda casha sharafta aheyd hadal kooban ka jeediyey ayaa aad u ammaanay qaabka ay xiligan u shaqeynayaan Baarlamaanka iyo kaalinta muuqata ee ay ku lahaayeen isbedelka siyaasadeen ee iminka ka jira Soomaaliya.
Mr Bendevic ayaa ku dhiirageliyey Mudanayaasha Baarlamaanka inay sii wadaan dadaalladooda ku aadan sidii ay Soomaaliya ku gaarsiin lahaayeen meel ay dadku hogaankooda ku dooran karaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa dhankiisa ka mahadceliyay casha sharafta uu u sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore Norway, isla markaana dowladda Norway ay taageero ballaaran siiyo shacabka Soomaaliyed.
Prof. Jawaari ayaa xusay inay ka go’an tahay dhaartii ay u dhaarteen inay samata bixiyaan shacabka Soomaaliyed iyo in dalka Soomaaliya horumar gaarsiiyaan sida uu yiri.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa degenaa dalka Norway, waxaana uu bare ka ahaa mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala dalkaas.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada