Beesha Mudullood oo Muqdisho ka wada olole ka dhan ah qorshe Axmed Cabdisalaan Safiir loogu magacaabi rabo

Beesha Mudullood oo Muqdisho ka wada olole ka dhan ah qorshe Axmed Cabdisalaan Safiir loogu magacaabi rabo

daajis.com:-Xubno ka mid ah Beesha Mudullood ayaa Muqdisho ka wada olole ballaaran oo ka dhan ah qorshe Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan loogu magacaabi rabo xilka Safaarada Nairobi, iyadoo dhaq dhaqaaqan siyaasadeed uu soo kordhay labadii maalmood ee u dambeysay.

Warar ay heleyso daajis.com ayaa sheegaya in shirar gaar gaar ah oo ka socda qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ay ka wadaan xubno ka mid ah waxgaradka, culumaa’udiinka, duubabka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada beesha Mudullood, kaasoo ay ugu soo horjeedaan ololaha xilka Safiirnimo loogu magacaabayo Mr Axmed Cabdislaaan.
Ololahan oo ay horboodayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Marwada Ra’iisul Wasaaraha Drs Caasho Xaaji Cilmi, waxaana qorshuhu yahay in Safiir Maxamed Cali Ameeriko xilka looga qaado.
Xubnaha Beesha Mudullood ee shirarka ku leh Muqdisho ayaa ku tilmaamay qorshayaasha socda ee la doonayo in xilka beesha lagu wareejisto mid xadgudub ku ah awood qeybsiga dowladda ku dhisan tahay ee 4.5, taasoo ay sheegeen in booska kaliya ee beesha xilligan ka heysato uu yahay Safaarada Kenya, halka xilalkii kale ay mudneyd sida Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho aan lagu siin wax muhiimad ah, horayna beesha uga tanaasushay xilal ay xaq u laheyd.
Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu qabanayo mid ka mid ah Hotelada Muqdisho kulan ballaaran oo ay isugu imaanayaan qeybaha kala duwan ee Beesha Mudullood, kaasoo ay uga soo horjeedaan in qorshaha lagu duudsiin rabo beesha ee ku saabsan booska Safaarada Soomaaliya ee Kenya.
Shirkan oo la filayo inay ka soo qeyb galaan ku dhowaad kun ruux ayaa sida warar hoose sheegayaan lagu wadaa in laga soo saaro baaq beesha uga soo horjeedo dhaq dhaqaaqyada siyasadeed ee ka dhanka ah kursiga Beesha ku leedahay xilka Safaarada Kenya.

Inkastoo dowladda Soomaaliya waayihii u dambeeyay waday is bedelo, ayaa hadana is bedeladaas dadka Soomaaliyed soo dhoweeyeen, halka dadka qaarna ay dhaliileen, maadaama is bedeladaas ay noqdee kuwo dadkii la bedelay iyo kuwii lagu soo bedelay howshii socotay ay dib u dhac ku yimaadeen, maadaama is bedeladaas ay saameyn badan ku yeesheen howlihii socday.
Axmed Cabdisalaan ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho ku maraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Si kastaba Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa wax badan ka soo qabtay howsha Safaarada Soomaaliya ee Kenya, isagoo noqday mas’uulkii u horeeyay ee hanti Soomaaliya caalamka uga maqneyd soo celiyay, waxaana waajibaadki uu u hayay qaranka uu sanadkii hore u dhaawacmay, markii uu shil galay, iyadoo haatan oo uu dhaawiciisa ka soo kabsanayo la doonayo in loogu abaal gudo in xilka laga qaado.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada