Daawo Sawirada:- Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo kulamo wada tashi ku qaatay magaalada Oslo

Daawo Sawirada:- Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo kulamo wada tashi ku qaatay magaalada Oslo

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa halkaasi ku qaatay kulammo howleed iyo kuwa wadatashi ah.

Kulammadan ayey Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa si kala gaar gaar ah ula qaateen xubno ka socday hay’adda NDI oo iyadu ah hay’ad si weyn u taageerta Golaha Shacabka waxaana dhammaanba kulammadu ay quseeyeen sida habsamida ah ee ay u socdaan howlaha Baarlamaanka.
Dhinaca kale Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa caawa casho sharaf loogu sameynayaa magaalada Oslo ayadoo casho sharaftaasina uu u sameynayo Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Norway Mr Bendevic,sidoo kalena maalinnimada berri ah Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu la kulmi doonaa madax ka tirsan dowladda Norway oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi.
Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiyeyaasha Gudiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha waxaana Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ay la kulmi doonaan sidoo kale Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway.




—-DHAMAAD—-
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada