Daawo qaabkii maanta loo ansixiyay dastuurka dawlad goboledka juba-land (sawiro)

Daawo qaabkii maanta loo ansixiyay dastuurka dawlad goboledka juba-land (sawiro)

daajis.com:-waxaa maanta magalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose si rasmi ah loogu an sixiyay dastuurka kmg ah ee ay ku dhaqmi doonto dawlad goboledka juba-land oo dhismahedu uu imika heer gabo gabo ah uu marayo.
shirkan maanta lagu ansixinayay dastuurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 855 ergoyin ah kuwaas oo ka kalayimid dhamaan beelaha somaliyeed ee daga gobolada jubooyinka iyo gado kuwaas oo qarkood ay kayimaden wadamada qurbaha oo ay kamid yihiin siyaasiyin xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii kmg ahaa ee dalka somaray.
inta ergooyinku aysan codkooda ka dhiiban dastuurka ayaa waxaa qudbado kala duwan goobta ka jeediyay masuuliyinta maamulka kmg ah iyo siyaasiyin kala duwan.
ugu horayn waxaa goobta qudbad dardaran ah ka jeediyay R/Wasarahii hore ee somaliya cumar cabdi rashiid waxana uu sheegay in waxa maanta ergooyinka horyaala uu yahay wax mustaqbalkooda iyo kan deegankodaba samayn doona uu yahy lona baahan yahay in dhanka wanaga ay wax ka egan.
sidoo kale waxaa isna shirka qudbad ka jeediyay Gudoomiyaha maamulka kmg ah ee magalada kismaayo ka arimiya sh,axmed maxamed islaam axmed madoobe. waxaan si qota dheer uu uga hadlay masiirka gobolada jubooyinka iyo gado iyo sida lagama maarmanka ay u tahay in ay yeeshan dawlad goboled midaysa oo dagaladii sokeye ee dadka daashaday ay kaga nastaan imikana wakhtigeedi la joogo.
ugu danbayn waxaa iyana qudbado kala duwan iyana goobta ka jeediyay xildhibaano qaarkamid ah gudiyo ay ergooyinku soo wakiisheen waxaana la guda galay ansixinta jartarka kmg ah ee sadexda sano ee soo socota ay ku dhaqmayso dawlada juba-land.
waxaana codayntu ay u dhacday qaab gacan taag ah oo dhamaan ergooyink po tiradodu ay gaarayso 855 ay si aqlabiyad leh ay haa ugu codeyen oo aysan jirin cid ka aamustay ama diiday in kasto qodobka ka hadlaya caasimda dawlad goboledka uu muran dhaliyay oo dastuurku uu sheegayo in ay caasimda dawladu ay noqonayso bu”aale halka ergooyinka qaarkodna ay sheegen in laga badalo oo laga dhigo magalada kismaayo ee xarunta jubada hoose.
dastuurkan ayaa dhaqan galaya isla maanta iyadoo deegamada qaarkood oo ka tirsan  gobolada jubooyinka iyo gado ay kusugan yihiin kooxda al.shabab  oo kasoo horjeeda maamul aan iyaga ahayn oo ka dhasha Guud ahaanba somaliya waxaa lagu wadaa in malinimada bari ah xaflad balaran oo lagu maamusayo ansixinta dastuurka ay ka dhacdo magalada kismaayo













_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada