Bayern Munich oo xalay dhulka ku jiiday Naadiga Juventus

Bayern Munich oo xalay dhulka ku jiiday Naadiga Juventus

daajis.com:-Kulan katirsanaa lugta koowaad ee horyaalka Qaarada Yurub ee UEFA CHAMPIONS LEAGUE wareega sideeda ah waxaana uu dhexmaray xalay Kooxaha Bayern Munich iyo Naadiga Talyaaniga ka dhisan ee Juventus.
Ciyaarta oo ka dhacday dalka Jarmalka garoonka Munich kuyaalla ayaa waxay Bayern Cashar lama ilaawaan ah udhigtay wiilashii uu watay macalin Antonio Conte ee Juventus.
Dar dar xoogan oo ay lasoo galeen labada Naadi ayey Bayern daqiiqadii koowad waxa kubad uu dhexda kasoo laaday difaaca Alaba waxaana sidaasi gool hogaanka ciyaarta uqabtay Bayern Munich.
Waa laga wanaagsanaa ciyaarta naadiga martida ahayd ee Juventus waxaana Arjen Robben iyo Gustavo,Ribbery iyo Muller ayaa kala diray ciyaaryahanadii uciyaarayey kooxda Juventus.
Qeybtii koowaad ayaa sidaasi lagu kala maray waxaana qeybtii labaad markii la isku soo laabtay ayey meesheedii kasii waday Bayern ciyaar wanaagii taasi oo dhaxalsiisay in goolkii labaad ee Bayern Munich heshay daqiiqadii 63-aad markii gool dhali ah uu helay Thomas Muller sidaana 2-0 looga badiyey Juventus lugta koowaad.

Hadaba kulankaasi waxay labada naadi kusoo galeen shaxda ah qaabka hoos ku qoran:
Kooxda Bayern Munich Waxay kusoo gashay garoonka: Neuer, Dante, Van Buyten, Lahm, Ribery (Shaqiri), Muller, Alaba, Dias, Schweinsteiger, Kroos waxaa lagu badalay (Robben, daqiiqadii 16-aad), Mandzukic oo lagu badalay (Gomez, daqiiqadii 90-aad)
Badal aan la isticmaalin: Tom Starke, Boateng, Tymoschuk, Pizarro
Goals: Alaba 1, Muller 63
Jaallayaal waxa Bayern Munich ka qaatay: Mandzukic, Dias
Kooxda Juventus Waxay kusoo gashay garoonka: Buffon, Chiellini, Federico Peluso waxa lagu badalay (Pogba, daqiiqadii 75-aad), Barzagli, Bonucci, Lichtsteiner, Marchisio, Pirlo, Vidal, Quagliarella waxa lagu badalay (Giovinco,daqiiqadii 65-aad), Matri waxa lagu badalay (Vucinic,daqiiqadii 65-aad)
Badal aan la isticmaalin:Storari, Padoin, Asamoah, Marrone
Jaallayaal waxa Juventus ka qaatay: Chiellini, Vidal, Lichsteiner
Garsooraha Ciyaarta waxa uu ahaa: Mark Clattenburg (Tyne & Wear).
Garoonka waxaa usoo daawasho tagay dad gaaraya: 66,000 qofood
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada