Daawo Sawirada Madaxweyne Xassan Sheekh oo badiilkiisa wata oo dhir ama geedo talaalaya kuna celiyay in dhoofinta dhuxusha ay danbi weyn tahay.

Daawo Sawirada Madaxweyne Xassan Sheekh oo badiilkiisa wata oo dhir ama geedo talaalaya kuna celiyay in dhoofinta dhuxusha ay danbi weyn tahay.

daajis.com:-Madaxweynaha ayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka qeyb-galay munaasabadda maalinta dhir beerida Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya.

Munaasabdan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Qeyraadka C/Rizaaq Maxamed Cumar, Wasiiradda Arimmaha Bulshadda iyo masuuliyin ka socotay Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay danbi tahay in la jaro dhirta lana dhoofiyo. “Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii. Waxaa kale oo jira resolution ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aadan dhuxusha iyo dhoofinteeda. Waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan.”

“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi. Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena. Waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno.”

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu isla Madaxtooyadda ku beeray geed cusub lana dar-daarmay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in guri walbo lagu beero geed.














_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada