Xaflad lagu furayey Tvga KALSAN oo xaley lagu qabtey waqooyiga Magaalada London!!(Daawo Sawirada Kulanka)

Xaflad lagu furayey Tvga KALSAN oo xaley lagu qabtey waqooyiga Magaalada London!!(Daawo Sawirada Kulanka)

daajis.com:-Munaasabad ay kasoo oo qayb-galeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu daah furayey telefishin cusub oo la magac baxay KALSAN TV oo ka mid noqonaya Telefishinnada ku hadla afka Soomaaliga ee fadhigoodu yahay London.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin, waxgarad, siyaasiyiin, culummo iyo haweenka Soomaaliyeed, kuwaasoo hadallo kala duwan ka jeediyay goobta.

Xubnihii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka, Cabdiraxman Rooble iyo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cabdullaahi Tiicey Maryan Jaceyl Kabiirka Kooxda Qeyla dhaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel waxa ayna dhamaandood carabka ku dhufteen inuu noqdo tvgan cusub mid la jaan qaada waqtiga lana shaqeeya dowlada curdaka ah ee inoo dhalatey waxa ayna qaarkood codsadeen in barnaamiyada tvga lagu daro kuwa haweenka iyo dhalinyarada maadaama ay yihiin laf dhabarka bulshada Somaliyed.

Munaasabadan oo aheyn mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa xiriirinayey Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cashir (Nadaara) oo ka mid ah wariyaasha Soomaalid kana howlgalaya telefishinkan cusub ee KALSAN.TV 

Ugu dambeyn, waxaa halkaas khudbad ka kala jeediyay maamulaha iyo agaasimaha Tv-ga Khaliif iyo Xasan Durraan iyagoo u ballan-qaaday dadka Soomaaliyeed inay si wanaagsan oo cadaaladi ku dheehan tahay ay ugu shaqeyn doonaan; isla markaana ay qaadan doonaan fikirradooda wanaagsan.tvgana uu yahay mid u furan shacabka Somaliyed iyaga fikradoodana uu ku shaqeyn doono 

Si kastaba ha ahaatee, Telefishinkan cusub ee KALSAN ayaa wuxuu ka mid noqondoonaa Tv-yada tirada badan ee sideedda ah oo ay Soomaalidu leeyihiin oo fadhigood yahay Magaaladan London ee dalka Britain, laakiin waxaa laga dhur-sugayaa wuxuu ka bedelo ama uu kusoo kordhiyo saaxada saxaafadda Soomaalida.















_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada