Garsooraha Qaban Doona Finalka Koobka FA Cup Oo La Sii Shaaciyay.

Garsooraha Qaban Doona Finalka Koobka FA Cup Oo La Sii Shaaciyay.

daajis.com:-Garsoore Andre Marriner ayaa qaban doono finalka FA Cup ee u dhaxeeya Manchester City iyo Wigan Athletic kaasoo 11ka bisha May ka dhici doona Wembley.

Marriner, oo 42 jir ah ayaa qabtay koobkii Community Shield, waxaana uu ahaa garsooraha afaraad markii Manchester City ay koobka FA Cup ka qaadeysay Stoke City 2011kii.
“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan garsoore ka noqdo finalka iyadoo lagu jiro sannadguuradii 150aad ee dhismaha FA” ayuu Mariner yiri sida lagu qoray bogga Isboortiga BBC.
Marriner ayaa garsoore ahaa tan iyo 2003dii, waxaana kulankiisii ugu horeysay ee Premier League uu qabtay 2004tii.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada