Daawo Sawiradan Halkaan Ma, Magaalada Muqdishaa mise waa Magaalo kale oo ku taala Yurub ama Ameerika

Daawo Sawiradan Halkaan Ma, Magaalada Muqdishaa mise waa Magaalo kale oo ku taala Yurub ama Ameerika

daajis.com:-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaa bilihii u danbeeyay ka bilowday dib u dhis xoogan, sidoo kale waxaa magaalada kusoo qul qulaya maalinba maalinta ka danbeysa dad aad u badan, kuwaasoo dhowr iyo labaatan sano wadanka ka maqnaa.


Muqdisho, waxa ay hada kasoo kabaneysaa waayihii Xumaa ee ay soo martay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana hada magaalada ka bilwday dhismooyin qaarkood aan wali magaalada laga dhisin ebid.

Magaalada waxaa hada ka socda tartan xoogan oo xagga dhismaha ah, qofka aan aan mudo joogin magaalada malaha waxa uu isleeyahay, magaalada hada ayayba ka hormarsantahay xiliyadiika horeeyay, marka laga reebo amaanka oo wali ah mid jilicsan.

Dhismooyin, Hotelo casri ah iyo xaruumo ganacsi oo qaarkood ay ka shaqeeyaan dad ajaanib ah ayaa magaalada kusoo batay, waxaa kaloo jirta in magaalada ay kusoo badanayaan baabuurta yar yar, gaar ahaan kuwa raaxada ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaad arkeeysaa marka aad magaalada Subixii usoo shaqo tagto, in aad hal wado ku jirto waxkabadan 30 daqiiqo,halka mar marka qaarna ay kugu qaadato wax kabadan hal saac, taasna waxay muujineeysaa isbadalka kajira Muqdisho.









_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada