Kooxda Wayaha Cusub oo 25 May ka Tumi Doona Magaalada Birimingahm ee Dalka Uk

Kooxda Wayaha Cusub oo 25 May ka Tumi Doona Magaalada Birimingahm ee Dalka Uk

daajis.com:-Kooxda Waayaha Cusub oo ah Ka mid ah Kooxaha aadka loo xiiseeyo albunadooda ayaa markii ugu horaysay Safar ku tagaya Dalka Uk kidib markii ay casuumaad rasmi ah ka heleen Jaaliyada Dalkaa ku dhaqan .


Kooxdaa aya lugu wadaa in 25 Bisha May ku qaban doonaan Magaalada Birmingham Bandhig wayn oo iminka qaban qabadiisa ka socoto waxana bandhigaa uu yahay mid si wayn loo diyaarinayo .

Safarka Kooxda Wayaha Cusub ku tagaan Dalka Uk ayaa noqonaya markii u horaysay tan iyo xiligii Kooxda la Aas aasay hayeeshee waxa uu safarkaan daba joogaa safar uu hada ka hor ku tagay Dalka Uk Gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub Shine Akhyaar .

Dhalinta Wayaha Cusub ayaa dhawaan socdaal ku tagay Magaalada Muqdisho markii u horaysay waxana ay halkaa ku qabteen Bandhig wayn oo dad badan ka soo qaybgaleen iyaga oo dhamaan degmooyinka muqdisho ku qabatay .

Kooxda Waayaha Cusub waa kooxda kaliya ee socdaalo kala duwan ku tagay Gobalada Dalka Soomaaliya qayba ka mid ah kuwaa oo Bandhigya kala duwan ku qabtay .

Waxana socdaalkaa uu qayb ka yahay socdaalo ay ku tageen Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya hayeeshee waxaa socdaalkaan uu yahay kii ugu horeeyay waxana la filayaa in ay halkaa ka tumi doonaan 25 May oo ku began bisha soo socota .

Inkastoo aan xariiro kala duwan samaynay hadana waa noo suuroobi waysay in aan helno Gudoomiyaha Kooxda Wayaha Cusub shine Akhyaar si aan wax uga waydiino bal in uu sharaxaad naga siiyo safarkaa ay Uk ku tagaan waxa uu salka ku hayo .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada