Telefishinada Caalamka oo buun buuniyay Reer Qashay Neef Geel ah oo hadiyad ahaan loo siiyay Madaxwayaha Hollande(Daawo Muuqaal ahaan)

Telefishinada Caalamka oo buun buuniyay Reer Qashay Neef Geel ah oo hadiyad ahaan loo siiyay Madaxwayaha Hollande(Daawo Muuqaal ahaan)

daajis.com:-Inta badan Telefishinada Caalamka ayaa buun buuniyay Reer baahan oo Qashay kuna qadeeyay Neef Geel ah oo hadiyad ahaan loo siiyay Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Francois Hollande. 



Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Francois Hollande oo bishii Febraayo booqasho ku tagay dalka Maali gaar ahaan magaalada Timbuktu ee Waqooyiga dalkaas oo Ciidamada Faransiiska ay mudo maalmo yar ah ku soo celiyeen gacanta ciidamada Dawlada Maali oo dhoor sano ka hor halkaas ay ka qabsadeen kooxo falaago ah oo taageera ururka Al Qaacida ayaa guushaas Faransiisku gaareen ka dib waxaa Neef Geel ah Hadiyad ahaan loo soo siiyay Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Francois Hollande. 

Reerka qashay iminka neefkii Geela ahaa ee Hadiyad ahaanta loo soo siiyay Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Francois Hollande ayaa sheegay in Geela Madaxweeynaha la siiyay uu ahaa mid aad u weeyn oo uusan u qaadan karin dalka Faransiiska balse hada ay badalkiisa siin doonaan mid yar oo dheelo ah waliba kii weeynaa ay si toos ah u qasheen. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada