Daawo Sawirada muujinaya xilligii ay noolaayeen Qareenadii iyo wariyihii ku dhintay weerarkii Maanta maxkamada gobalka Banaadir lagu qaaday

Daawo Sawirada muujinaya xilligii ay noolaayeen Qareenadii iyo wariyihii ku dhintay weerarkii Maanta maxkamada gobalka Banaadir lagu qaaday

daajis.com:-Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu cambaareynayaa weriye Maxamed Xasan Xabeeb oo la taliye dhinaca saxaafadda u qaabilsanaa maxkamadaha, kana soo shaqeeyay warbaahino dhowr ah oo ay ku jirto Raadiyaha Qaranka, weerar maanta ka dhacay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo galaaftay nolosha dad fara badan oo shacab ah.

Isla weerarkaas waxaa lagu dilay Prof. Maxamed Maxamuud Afrax oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Qareenada Soomaaliyeed iyo Avv. Cabdikariin Gorod oo labadoodaba lagu xasuusto dadaalkii ay u galeen sii deynta Kiiskii weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibrahim iyo gabadhii dhibanaha ahayd.

“Waan la tiiraanyooneynaa dilka weriyaha iyo labo garyaaqaan oo ahaa difaacayaasha suxufiyiinta,” sidasi waxaa yiri Maxamed Ibrahim oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri, “Anigoo ku hadlaya magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhamaan eheladii, qaraabadii uu ka baxay weriyaha iyo labada garyaaqaan.” 

Dilka weriye Maxamed Xasan Xabeeb waxa uu ka dhigayaa kii saddexaad ee dalka sanadkan gudihiisa.

Sidoo kale waxa uu ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed soo dhoweynayaa go’aanka ay maxkamadda militariga ay dilka kula xukuntay gacaan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Absuge, waxa uuna codsaday in dilalka kale ee suxufiyiinta ka dhanka la baaro, laguna ciqaabo dembiyadii ay galeen.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada