Daawo Sawirada:- Taageerayaasha kubadda cagta dalalka Tunisia iyo Masar oo garoomada tagay iyaga oo wata sawirrada hogaamiyeyaal caan ah oo uu ka mid yahay Sh Usama.

Daawo Sawirada:- Taageerayaasha kubadda cagta dalalka Tunisia iyo Masar oo garoomada tagay iyaga oo wata sawirrada hogaamiyeyaal caan ah oo uu ka mid yahay Sh Usama.

daajis.com:-Tan iyo markii kacdoonkii lagu tuuray madax badan oo Carbeed uu ka dhacay dalalka qaar waxaa isbadal ku yimid siyaasadda, dhaqanka iyo geedi socodka nolosha dadka.

Dalalka Tunisia iyo Masar waxaa ay  ka mid yihiin meelaha uu sida ba`an uga dhacay kacdoonka waxaana talada laga tuuray madaxdii dalalkaasi mudada dheer ku takrifalayay.
Dacwada Salafiga iyo duufaanta jihaadka ayaa la sheegay inay si xoog leh u soo gaartay dalal badan oo uu ka dhacay kacdoonka sida Masar iyo Tunisia halkaasi oo ay dhalinyaradu har iyo habeen wataan sawirrada Mujaahidiinta hogaankooda kuwaasi oo ay ka dhiganayaan astaan qalbiyadooda ku weyn oo ay ku daydaan.
Kacdoonka iyo isbadalka ka dhacay dalalkaasi ayaa saameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana arinka ugu yaabka badan yahay in xitaa dhalinyarad Ciyaal Macna Male loo yaqaan ee food dheerayaasha ah ay soo fuulayaan tareenka dheer ee xilligan xowliga ku socda.
Dhalinyaradan gaar ahaan qaybaha isbooriga iyo kuwa isku arka baraha Internetka ayaa sameeyay sawirro cajiib ah oo ay iskugu geeyeen madaxdii Mujaahidiinta ee Shahiiday oo uu kamid yahay Sh Usama.
Sawirradaasi oo beri qofkii fagaare la yimaada la garan karo waxa uu mutaysan jiray ayaa hadda waxaa ay buux dhaafiyeen garoomada ciyaaraha kubadda Cagta waxaana ay bedeleen calamadii iyo astaamihii kale ee isboortiga iyadoo la arkay sawirka Sh Usama iyo raayada Towxiidka oo ka babanaya halkaasi.
Arintan ayaa la sheegay inay tahay isbadal dhinac walba ah oo u ku yimid dhalinta dalalkaasi kuwaasi ooh al heyso ka dhigtay inay ku dayanayaan Sh Usama iyo hogaanka kale ee Mujaahidiinta., waxaana sidoo kale shirkadaha  dharka qaarkood ay funaadaha ku daabaceen sawirradaasi.
Dhalinta dalalka Masar iyo Tunisia ayaa Tasmiim ku muujiyay inay ku dayan jireen Qadaafi, Zaynal  Caabiddiin, Mubaarka iyo kuwo lamid ah laakiin hadda wixii ka dambeeya ay ku dayanayaan H USAMA IYO HOGAAMIYAASHA KALE EE MUJAAHIDIINTA CAALAMKA.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada