Daawo Sawirada"Xasan Sheekh oo shalay isagoo faraxsan garowe ka dagay galabtana isaga oo careesan kasoo laabtay

Daawo Sawirada"Xasan Sheekh oo shalay isagoo faraxsan garowe ka dagay galabtana isaga oo careesan kasoo laabtay

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayay ayaa galabta laga soo sagootiyay Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntland iyaga oon faraxsaneyn wajigoodana isbadal uu ka muuqday.

Wafdiga Madaxweynaha oo maalintii shalay gaaray Magaalada Garawe ayaa xiligii ee halkaasi ka dageen waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad iyo niyad wanaag inkastoo galabta taa badalkeeda ee kala soo laabteen Magaalada Garawe. 

Arimahan ayaana yimid kadib markii Madxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntiland C/Raxmaan Fraoole ee isku afgaran waayeen qodobo dhoor ah ee labada dhinac maanta kawada hadlayeen kuwaa oo ugu dambeyn la sheegay in eesan labada dhinac isku afgaran.

Wafdiga Madaxweynaha ayaana Caawa Muqdisho kusugan waxa eena Garoonka Aadan Cadde kasoo dageen iyagoo laga dheehanayo in safarkooda sidii ee rabeen si ka duwan uu kusoo dhamaaday ayna kasoo niyad jabeen qodobadii ee Faroole isla fahmi waayeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada