Itoobiya oo daneyneysa inay isticmaasho Dekeda Berbera iyo shir arrintaas ku saabsan oo ka furmay Hargeysa

Itoobiya oo daneyneysa inay isticmaasho Dekeda Berbera iyo shir arrintaas ku saabsan oo ka furmay Hargeysa

daajis.com:-Wada hadalo muddo labo maalmood soconaya ayaa magaalada Hargeysa uga furmay wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo isugu jira Agaasimayaal Wasaaradeed, Maareeyayaal iyo Ganacsato, iyadoo wada hadaladan ay ku saabsan yihiin arrimaha ganacsiga labada dhinac.

Dowladda Itoobiya ayaa daneyneysa inay isticmaasho Dekeda Berbera, oo ay dooneyso inay wax kala soo degto, waxaana wada hadaladan ka socda Hargeysa uu yahay wajiga labaad wada hadal horay ugu dhex maray magaalada Deri-Daba ee dalka Itoobiya.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Feysal Cali Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, isu socodka, siyaasada waxbarashada iyo dhamaan arrimaha xiriirka labada dhinac quseeya.


“Gudi farsamo oo howshaas diyaarinaya oo ka kala socda wasaarado kala duwan ayaa wada hadalka u socdaa, Kilinka shanaad waxaa ka socda wasiirka ganacsiga, dowladda Itoobiya agaasimayaal iyo maareyeyaal ka socda, arrimaha xooga aan saareyno waa bayacmushtarka iyo ganacsiga”ayuu yiri Agaasimaha wasaarada arrimaha dibada Somaliland oo la hadlay BBC-da.

Waxaa uu sheegay in shirkan lagu soo bandhigi doono cid kasta ra’yigeeda iyo fikirkeeda, isla markaana labada dhinac si wanaagsan xiriir u dhex mari lahaa, waxaana uu xusay in gaba gabada laga soo saari doono heshiis qoraal ah oo ay wada saxiixi doonaan madaxda labada dhinac oo si rasmi ah loo shaacin doono.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Itoobiya ay daneyneyso Dekeda Berbera, hase ahaatee marka hore qorshuhu yahay in la sameeyo wadada Bere-bera ilaa Wajaale tagta, si ay ugu suura gasho in gaadiidka xamuulka ee bedaacadaha ka soo qaadaya Dekeda uu wadada u maro si caadi ah.

Dhinaca kale wafdiga ka socda dowladda Itoobiya ayaa waxay kormeereen Dekeda Berbera, waxaana qorshuhu yahay in labada dhinac ay isla gaaraan heshiis dhow oo ku saabsan sidii Itoobiya u isticmaali laheyd Dekeda Berbera.

Itoobiya oo aan laheyn Bad ayaa waxay isticmaashaa Dekeda Jabuuti oo ay wax kala soo degto, waxaana waxyaabaha ay kala soo degaan Jabuuti ay soo marsiiyaan safar dhulka ah, horay waxaa u jiray in dowladda Itoobiya ay dhib badan ku qabtay canshuurta alaabaha ay kala soo degto dekeda Jabuuti.

Hadii Itoobiya dhameystirto qorshaheeda ku saabsan isticmaalka Dekeda Berbera ayaa waxay noqoneysa mid uga dhib yaraan doonta dekeda Jabuuti, marka wadada la sameeyo wadada isku xirta Wajaale iyo Berbera.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada