Dagaal Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray inta u dhaxeyso Bardaale iyo Awdiinle

Dagaal Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray inta u dhaxeyso Bardaale iyo Awdiinle

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ku dhex maray inta u dhaxeysa Bardaale iyo Awdiinle, iyadoo dagaalkan uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada dowladda oo ka baxay degmada Bardaale ay weerar ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Shabaab, waxaana howl galkan la sheegay in ujeedkiisa ahaa sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa deegaano ku dhow dhow Baydhabo.

Gudoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq Cara-cas ayaa sheegay in howl galkan uu sii soconayay, isagoo xusay in qasaare u geysteen kooxihii Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaano ku dhow dhow Awdiinle iyo Bardaale.


Waxaa uu sheegay inay sii socon doonaan howl galada ka dhanka ah Shabaab, isagoo xusay in ciidamada dowladda ay xaqiijin doonaan ammaanka inta u dhaxeysa Bardaale iyo Baydhabo, halkaasoo mararka qaar ay Xoogaga Shabaab wadada u galaan Kolonyada ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkan iyo guulaha ay ka sheeganayaan mas’uuliyiinta gobolka Bay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada