Magaalada Muqdisho oo kala xiran maanta ( Waa maxay sababtu?)

Magaalada Muqdisho oo kala xiran maanta ( Waa maxay sababtu?)

daajis.com:-Qeybaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho ayaa maanta kala xaniban kadib markii ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya la soo dhoobay isgoysyada magaaladda kuwaa oo hakiyey isu socodkii gaadiidka iyo dadka.

Ciidamadan oo xalay halkaa la geeyey ayaa sababta ay u joogaan lagu sheegay in ay tahay xoojinta amaanka Muqdisho xili maanta ay dhaceyso munaasabadii 12ka April ee maalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Xaafadaha qaarkood ayaa ka dareemaysaa dad dhooban meelaha kuwaa oo magaaladda u shaqo tagi lahaa laakiin ku baraarugay bandowgaan xalay magaaladda la saaray, waxaana dadku ay uga hadlayaan siyaabo kala duwan arimahan.

Oday ka mid ah dadka ku dhaqan degmadda Wardhiigley oo daajis ay la hadashay ayaa sidan u jawaabay " Inkastoo aan beledka dan ka lahaa misana xanibaadan dhib uma arko waxay i tusineysaa nidaam dowladnimo oo wax kala hagi kara inuu soo noqday, Ilaahbaa mahad leh"

Bahda Daajis waxay u hambalyeynayaan munaasabadda 53aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada