(Daawo) Beel ka mid ah beelaha ugu badan ee dega gobalada Jubooyinka oo ku gacan seyrtay shirka maamul u sameynta goboladaas.

(Daawo) Beel ka mid ah beelaha ugu badan ee dega gobalada Jubooyinka oo ku gacan seyrtay shirka maamul u sameynta goboladaas.

daajis.com:-Beesha Shiikhaal oo ka mid ah beelweynta Hawiye ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen inaaney aqoonsaneyn shirka la sheegay in maamul loogu sameynayo gobolada Jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Shir ay qurbo joogta beeshaas ku yeesheen dalka Australia ayey ku sheegeen in hadii dhab loo hadlo ay iyagu uga badan yihiin degaanka beesha Axmed Madoobe ka soo jeedo ee Ogaadeen, waxaana ay beeshu si cad u sheegtay in maamul u sameynta goboladaas ay uga dambeynayaan dowladda Soomaaliyeed.


Afhayeen u hadlay xubnihii beesha Shiikhaal ee ku shiray Australia ayaa ku baaqay in aaney cidna isku dayin inay cid kale gurigeeda ugu taliso, loona baahan yahay in la is ixtiraamo si looga dhowrsado isku dhac beeleed.

Baaq ka soo baxay shirkaas ayaa loogu baaqay in dowladda Soomaaliyeed gacanta ku qabato dhismaha maamul goboleedka Jubooyinka, iyagoo intaa ku daray in qabiil uusan qabiil kale cadaalad u fali karin.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada