Wasiirada Arrimaha dibada ee G8 oo ku baaqay in la taageero dowladda Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirada Arrimaha dibada ee G8 oo ku baaqay in la taageero dowladda Soomaaliya (Sawirro)

daajis.com:-Wasiirada Arrimaha dibada ee G8 oo shir ku yeeshay magaalada London ee dalka Britain ayaa soo dhoweeyay horumarka weyn ee laga gaaray Soomaaliya 18-kii bilood ee u dambeeyay, ee xaga ammaanka iyo Siyaadada.

Shirka Wasiirada Arrimaha dibada G8 ayaa ajandayaasha looga hadlayay ay qeyb ka aheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo bisha soo socda dowladda Britain ay marti gelineyso shir gaar ah oo looga hadlayo Soomaaliya.

War murtiyeed ka soo baxay G8 ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in la sii wado taageerada caalamiga ah ee la siinayo dowladda Soomaaliya, waxaana ay xuseen in shirka labaad ee London lagu qabanayo bisha soo socoda ay wax ka shir gudoomin doonto dowladda Soomaaliya ujeedadiisa ay noqon laheyd in la taageero dib u dhiska ciidanka ammaanka, garsoorka iyo hey’adaha dhaqaalaha.

Wasiiradu waxaa kale oo ay isku raaceen in in la siiyo taageero siyaasadeed oo heer sare ah hanaanka la doonayo in mar kale dib loogu xiro Soomaaliya Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa Lacagta ee IMF, iyada oo xisaabta lagu darsanayo siyaasadaha iyo nidaamka hey’adaha xagga dhaqaalaha ee caalamiga marka ay timaaddo dalalka ku jiraa xaaladaha nugul, oo ay ku jirto arrinta ammaanka in la eego.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada