Dhacdo naxdin iyo aragagax leh oo ka dhacday magaalada muqdisho, kadib gabar markii laga soo masaafeystey magaalada marka.!!...

Dhacdo naxdin iyo aragagax leh oo ka dhacday magaalada muqdisho, kadib gabar markii laga soo masaafeystey magaalada marka.!!...

daajis.com:-Dhacdo naxdin iyo aragagax leh ayaa la sheegay inay inay ka dhacday wadanka Soomaaliya taasoo in gabar laga soo masaafeystay magaalada Marka lana keenay magaalada Muqdisho ee magaalo madaxda dalka Soomaaliya ayaa markii laba habeen lagula jiray guur qarsoodi ah uu ka dhuuntay ninkii soo masaafeystay kaasoo la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Gabadha arintaan naxdinta leh qabsatay ayaa tiri sidaan: “Waxaa uu noo keenay gabar la dhalatay oo magaalada Muqdisho degan gaar ahaan degmada Yaaqshiid muddo laba maalin ah ayaan isku qabnay guriga walaashiis,, maalintii sedexaad ayaan waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay”.

Wiilka ayaa magaciisa lagu sheegay Khaalid halka gabadha la soo masaafeystay ee iyadoo hurdaysa laga dhuuntay lagu magacaaboo Kaltuun Cali. Gabdhaan ayaa qurbo.net u sheegtay in wiilka soo masaafaystay oo magaciisa ay ku sheegtay khaalid muddo hal sano iyo bar jacayl kala dhexeeyey islamarkaana ay ku heshiiyeen inay is guursadaan ayna is masaafaystaan markii dambena isku af gartay guur qudbo siro ah, taaso sababtay in ay masaafo Muqdisho isla soo aadaan.

“Wiilkii zowjkeyga qarsoodiga ahaa waxaan ka Baafinay idaacadaha Muqdisho, laakiin markii uu laba asbuuc iga maqnaa waxaan ka helay aqbaar ku saabsan isaga, wuxuuna ii sheegay inuu ku suganyahay oo uu joogo magaalada Boosaaso,, uuna aaday arrimo tahriib, taasoo fajac iyo amakaag igu noqotay” ayay tiri Kaltuun Cali..

Kaltuun sidoo kale waxay sheegtay in labo maalin ka dib uu hadana soo wacay gacaliyaheeda ay aadka u jeclayd uuna u sheegay in ay ka furan tahay taasoo naxdin hor leh ku noqotay, waxayna intaasi ku dartay in reerkeeda ay ka warhelen oo ay ogaadeen dhacdadii ku dhacday, kuwaasoo ii shegay ayay tiri in aan dib ugu laaban Karin guriga, mar haddii aan amar la’antooda soo baxay masaafana soo aaday!! 

اللَّهُـمَّ ،، مُصَرِّفَ الْقُلُوبِ ؛ صَرِّفْ قُلُوبَنَا عَلَى طَاعَتِك
Dumarka yaanan laqayaanin waa codsi ragoow masafadaana kadaaya oo waalidkooda kadoonta gabdhaha hadadan awoodina iska suga inta wax kaheleesaan
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada