Dowlada oo Kismaayo tar-tartiib u gala wareegeysa Kenya iyo taageerayaasheda iyo qeyb kamid ah ciidamadii amaanka Kismaayo la wareegi lahaa oo maanta la garsiiyay.

Dowlada oo Kismaayo tar-tartiib u gala wareegeysa Kenya iyo taageerayaasheda iyo qeyb kamid ah ciidamadii amaanka Kismaayo la wareegi lahaa oo maanta la garsiiyay.

daajis.com:-Ciidamo meleteri ah oo ka ruuqaansaday qeybo kamid ah gobalada Gedo iyo J/dhexe ayaa waxa ay maanta gudaha u galeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose halkaasi oo ay amar ku taagleyn tii ugu weyneyd waayahaan ka wadeen ciidamda Kenya iyo dagaalamayaasha Raaskanbooni ee ku tiirsam awooda Kenya.


Meleteriga gaaray Kismaayo ayaa waxa ay xaqiijiyeen in amaanka magaalada aawadeed halkaasi loogu diray ayna dar dar gelin doonaan howlaha laxariira amaanka Caasimada sedaxaad ee Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay qorsheyneysaa in Kismaayo si dadban ay ula wareegto maamaada Kenya iyo kooxda ay magaalada ku heyso ee Raaskanbooni ay diideen in ay u hogansamaan siyaasada Soomaaliya.


Horay waxaa u joogay Kismaayo ciidamo boqolaal gaaraya oo dowlada Soomaaliya ay halkaasi u dirtay iyada oo kuwa maanta gaarayna ay ku biireen ciidankaasi lagana daba geyn doono ciidamo kale oo inyaa kasii badan iyada oo danta laga leeyahay ay tahay in maamulka Kismaayo uu kusoo laabto gacanta dowlada Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada