Cilmi Baaris:Cunista Qaraha Oo Qarisa Calaamadaha Duqnimada.

Cilmi Baaris:Cunista Qaraha Oo Qarisa Calaamadaha Duqnimada.

daajis.com:-Daraasad cusub oo muujineysa muhiimada uu bani’aadanka u leeyahay qaraha(xab xab)ayaa tilmaantay in cunista qaraha %33 uu jirka gaar ahaan wajiga ka ilaliyo ileeyska qoraxda.

Daraasadaan oo ay diyaariyeen koox ka socotay jaamacadaha newcastle iyo manchester ayaa xusaya in qaraha oo si joogta loo cuna ka hor sedexda xilli ee cunada uu jirka siineyo in murqaha iyo lafaha si wacan u shaqeeyaa n halka dhal dhalaalka wajiga u so celinayo isla markaana dib u dhigayo in wajiga laab laab yeesho.


Qubarada waxa ay xuseen in qaraha ama xab xabka dib u dhigayo in wajigada uu ka soo muuqdo calaamadaha duqnimada .

Daraasada waxa ay inta ku dartay in badashada cunista kuluunka iyo tuunta iyana ay door wacan ka cayaaraan ilaalinta unugyada jirka iyo in dib ay u dhigaan in astaamaha duqnimada ka soo muuqdaan .

Dhanka kale baaritaan ay sameeyeen qabiiro ku sugan Mareykanka ayaa tilaamay in cabsita koob biyo cad ah sedexda xilli ee cunada ka hor uu yareenayo miisaanka cayilka qofka.

Sida BBC-da laga soo xigtay daraasada ayaa tilmaantay in hal koob biyaha joogta sedex xilli u cabto in uu maalintii uu ka dhacayo maalintii 2.5 oo kiilo .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada