Jose Mourinho: Waa Ay U Fiicnaan Laheyd Ronaldo Iyo Real Madrid-ba Hadii Uu Qandaraaska Kordhiyo.

Jose Mourinho: Waa Ay U Fiicnaan Laheyd Ronaldo Iyo Real Madrid-ba Hadii Uu Qandaraaska Kordhiyo.

daajis.com:-Jose Mourinho ayaa carabka ku adkeeyay inay niyad-dhis weyn u noqon laheyd Real Madrid hadii Cristiano Ronaldo uu qandaraaska u kordhiyo kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.

Heshiiska Ronaldo uu haatan kula jiro Los Blancos ayaa dhacaya xagaaga 2015, waxaana wararka ay soo jeedinayaan in weli mustaqbalkiisa kooxda uu mugdi ku jiro tan iyo markii uu sheegay inuusan ku faraxsaneyn kooxda bilowgii xilli ciyaareedkan.
Si kastaba, madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaa shaaca ka qaaday talaadadii in Madrid ay heshiiska u cusbooneysiin doonto 28 jirkaan, warkaasoo uu ku qancay tababare Mourinho.
“Waa iska cadahay inuu yahay ciyaaryahan ka ciyaari kara meel walba uu doono” ayuu Mourinho u sheegay TVI.
“Waa ay u fiicnaan laheyn Madrid iyo isagaba inuu qandaraaska u kordhiyo halkaan. Waa ciyaaryahan fantastik ah, muhim ayuuna u yahay Madrid.
“Marka aad heysato ciyaaryahan heerkiisa oo kale ah, waa inaad sameysaa wax walba oo aad awoodo oo aad ku ceshato.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada