Edinson Cavani Oo Albaabada U Furay Manchester City Iyo Real Madrid Xagaaga Soo Socda.

Edinson Cavani Oo Albaabada U Furay Manchester City Iyo Real Madrid Xagaaga Soo Socda.

daajis.com:-Weeraryahanka Napoli Edinson Cavani ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka tago San Paolo xagaagan, waxaana uu sheegay in qorshaha ay ugu jirto inuu u dhaqaaqo England iyadoo Man City ay hogaamineysa ceyrsashada loogu jiro ciyaaryahanka.

26 jirkaan reer Uruguay ayaa u dhaliyay 29 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kooxda kaalinta labaad kaga jirta Serie A ee Napoli, isagoo soo jiitay kooxo badan Europe ka dhisan oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Man City.

Markii la weydiiyay hadii uu ka tagayo Napoli xagaagan waxa uu u sheegay jariirada Italy ka soo baxda ee La Repubblica: “Waan ku hagaagsanahay Naples, laakiin marka aad ku dhex jirto kubada cagta waa inaad texgelisaa waxyaabo badan.

“Waxa kaliya aan dhihi karo haatan ayaa ah inaan shaqadeyda ugu fiican u qaban doono maaliyadan ilaa maalinta ugu danbeysa ee aan xiranahay.



“Booska kaalinta labaad inooma sugna, anaga ayayna nagu xiran tahay. Waa inaan xaqiijisanaa kulamada soo socda.

“Xaqiiqdii marka aad fiiriso kooxda inaga koreysa ee Juventus, xitaa horyaalka weli lama go’aansan. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodno.”

Cavani ayaa dhaliyay in ka badan 100 gool oo Serie A ah intii uu joogay Palermo iyo Napoli, 71 ka mid ah goolashaas waxa uu dhaliyay isaga oo xiran maaliyada Napoli.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada