Faalo: Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Borussia Dortmund Iyo Real Madrid Kulanka Caawa.

Faalo: Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Borussia Dortmund Iyo Real Madrid Kulanka Caawa.

daajis.com:-Iyadoo Borussia Dortmund iyo Real Madrid ay isku diyaarinayaa inay ku dagaalamaan lugta hore ee semi-finalka Champions League caawa, waxaan fiirin doonaa halka ay ku kala badin karaan labada kooxood.

CRISTIANO RONALDO v NEVEN SUBOTIC

Halista ugu weyn ee ay wajaheyso Dortmund uma baahna barasho. Cristiano Ronaldo ayaa si la mid ah Lionel Messi caalamka ku leh taageerayaasha ugu badan waxaana uu leeyahay istaatistiko cajiib ah oo uu kula tartami karo dhigiisa.
Xilli ciyaareedkan waxa uu dhaliyay 50 gool oo ay ku jirto 11 gool 10 kulan uu Champions League saftay, waxaana celcelis ahaan uu dhaliyay kulankiiba wax ka badan hal gool intii uu joogay kooxda sagaal jeer ku guuleysatay Champions League.
Dhaawaca uu geysan karo Ronaldo waxa uu ka bilaaban karaa garabka laakiin waa dhexda weerarka meesha ugu badan ee uu ku dhaawici karo Dortmund, waxaana uu halkaas ku wajihi doonaa xiddiga reer Serbia Neven Subotic.
24 jirkaan ayaa ka mid ahaa daafacyada ugu qaab ciyaarista fiican kubada cagta Jarmalka shantiisa ee ugu danbeysay, waxaana lala xiriirinayay Chelsea iyo Manchester City.
MARIO GOTZE v XABI ALONSO
Dortmund waxa ay u baahnaan doontaa inay iska ilaawaan niyadjabka la xiriira warkii shalayto ee ku aadanaa in ciyaaryahanka khadka dhexe Mario Gotze uu ka tagayo kooxda xagaaga kuna biirayo Bayern Munich.
Kooxda heysata horyaalka Jarmalka ayaa bixin doonta lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo gaareysa 37 milyan euros, taasoo ka dhisay 20 jirkaan kubadsameeyaha ah ciyaaryahan Jarmal kii ugu qaalisanaa taariikhda.
Waxaana jiray muddo dheer amaan dul heehaabeysay Gotze, kaasoo muhimadiisa Dortmund ay aheyd inuu goolal u abuuro islamarkaana goolal u dhaliyo. Ninka isku xira Real Madrid waa Xabi Alonso kaasoo baasaskiisa dhaadheer ee argtida fog uu muhim weyn u yahay kooxda Jose Mourinho.
Xaqiiqdii, qiimaha Alonso uu leeyahay waxaa hoosta laga xariiqay kulankii wareega 16ka Champions League ay Old Trafford kula ciyaareen Manchester United markaasoo uu si cajiib ah u wajahay  Danny Welbeck ilaa iyo markii Nani uu casaan qaatay markaasoo ciyaaryahanka reer Spain uu la wareegay koontaroolka ciyaarta.
JAKUB BLASZCZYKOWSKI v FABIO COENTRAO
Ciyaaryahanka garabka midig Jakub Blaszczykowski ayaa muddo dheer ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan Dortmund.
Kabtanka Poland ayaa jecel inuu garbaha ka soo galo goolka islamarkaana darbooyin xoogan uu ka tuuro xerada goolka hortiisa, waxaana xagaagii hore uu ku jiray 32da ciyaaryahan ee liiska dheer ee UEFA ee ciyaartoyda ugu fiican Europe.
Sidoo kale liiskaas waxaa ku jiray daafaca bidix ee Real Madrid Fabio Coentrao, kaasoo awoodiisa daafac weerartama ay la micno noqoneyso in Blaszczykowski uu waqti ku qaadan doono inuu gadaal u gurto.
Mourinho ayaa ciyaaryahanka reer Portugal isbuucyadii u danbeysay u isticmaalayay kaliya kulamada Champions League, taasoo la micno ah inay tamar badan ku heystaan dhanka bidix ee garoonka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada