Fariin Jaceyl: Waqtigu wuu Cararaa Laakiin Marka Aan kula Joogo maba Moodo in uu Socdo

Fariin Jaceyl: Waqtigu wuu Cararaa Laakiin Marka Aan kula Joogo maba Moodo in uu Socdo

daajis.com:-Oohin kasto waa calaamada niyad dhacsanaan , aamusnaan kastana waa calaamad kalinimo , dhoolacadeyn kastana waa calaamada  naxariista , fariin qoraaleed kastana waa calaamadda xasuusta ee labada lamaane

buuruhu waxa ay kala qariyaan dhul baaxad leh , masaafo kasto oo dheerna waxa ay kala qeybisaa labo dal ; laakiin labadeena niyadood ayaa waxa ay yihiin kuwo ka dhiga qalbigooda  kuwo isaga dhaw  waxkasta.

Markasto oo aan kutabo , waxa aan kugu arkaa riyada , waxaana maqlaa codkaaga waxa aan dhigaa gacantayda xabadkayga waana ku dareemaa.

Maalmaha aad ayay u mashquul badsanyihiin , saacaduhu aad ayay u yar yihiin , daqiiqaduhuna aad ayay u orod badan yihiin , laakiin waqtiga aan kugu weydiiyo sida aad tahay , waxa aan kuu rajeeyo , iyo sida aan kuugu xiiso  ;  maba dareemo in ay socdaan iyo in kale waa ku jeclahay….
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada