Fariin Jaceyl : Yaa Wax Jaceloo Diraya Fariimahaan , Qoomamaan joogaa , Qiimihii Wacanaa Iyo …

Fariin Jaceyl : Yaa Wax Jaceloo Diraya Fariimahaan , Qoomamaan joogaa , Qiimihii Wacanaa Iyo …

daajis.com:-Todobaadkaan qeybteena fariima jaceylka ama SMS LOVE waxaan ku soo qaadaneynaa dhowr geeraar oo kala duwan oo aan fileyno in ay idin qancin doonaan.

Berigii aan ku bartaa
I laa bil iyo ayaamaa
U bukaa aragaaga
Bohlyow daraaddii
Bal inaan ku bogsado
Bartaada inaan arko
Beerkaad iiga taalaa
Bilicdaada qurxoon
Baan u bogaya anigee
Balan ila wadaagoo
Bartamaha badweyntiyo
Bal inaan booqano
Beerihii afgooyiyo
Bartamaha jannaalaa
Bashaal u aadnaa
Barthamaha jaceylkana
Beer wacan u fidinaa
Ballantaan iga aqbal
Qoomamaan joogaa
Qiimihii wacanaa iyo
Qurux daad laheyd baa
Qarka iga tuuree
Qabri inaan u hodaa
Qorshahaagu ahaa
Qaadir baa ii macneeyay
Qiyaanadii wadatey iyo
Qalbigaaga ii dumay
Qorshahaad waddoo idil
Qeex baan u haysaa
Qatal haddaad is laheyd
Qorshahaasi wuu lumey
Qurux haddey qiimo leedahay
Qiyaasna loo dhameeyay
Qiyaano aan dhamaan
Qalbi caruur baad tahee
Qiyaamo heer laguma gaaree is qabo
3- Geerar Fiiran Ah Oo Loo Dirayo Qof Hamuun Loo Qabo Oo Loo Xiisay .
Hamuun baan kuu qabaa
Halbowlihii dhiiga sidey iyo
Howl wadeenkii jirkoo idil
Heegan bey kuu yihiin
Haddan kuu jeedi waayo
Hurdo caashaq maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Howlaha aduunkaa is
Hareero yaallee
Hoog iyo caloolyoow
Hurdo xumaan kuu noolahay
Haasaawe maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Habeenkii oo idil
Hareerahaan kaa dayaa
Hamuun caashaq baa I helay
Heesaha jaceylkuna
Adaa igu habey dhamaantood
Horaadkaaga isaaroo
Hamuunta iga gooy
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada