Walbahaarkii Jacaylka iyo Naxariistii Waqtiga, Jaceylka Isaga Ayaaba Rafaad Soo Maray.

Walbahaarkii Jacaylka iyo Naxariistii Waqtiga, Jaceylka Isaga Ayaaba Rafaad Soo Maray.

daajis.com:-Jacaylku waa dareen qofba si u fasirto, laakiinse Jacaylku waa ka weynyahay sheegasho dhalanteed ah, waxana fahmi kara inyar oo waqtigu ugu horreeyo. Bal dheeho sheekadan xiisaha badan iyo rafaadka Jacaylka soo maray. Waxa Jirtey Jasiirad ama gasiirad hadba sida loogu dhawaaqo ay ku noolaayeen dhammaan dareemayaasha noloshu sida farxadda, Murugada, Garashada, Jacaylka iwm. Haddaba waxa dhacaysa in maalin lagu wargelinayo noolayaashii in jasiiraddu degi doonto oo biyuhu kormari doonaan.

Warkan dhiilada leh ma noqon mid farxad geliya dhamaanba dareemadii meesha ku noolaa, waxayna cabsi darteed mid waliba u diyaarsaday habkii iyo hannaankii uu naftiisa ku badbaadin lahaa; waxii doonyo iyo gaadiidka badda ee ay lahaayeen ayaa la diyaariyey kadibna mid waliba gaadiidkiisa ayuu la goostay. Waxa keliya oo goobtii lagaga tagay ” Jacayl” oo isagu lexo jeclo ka haysay jasiiradda darteed u hadhay, isaga oo diyaar u ahaa inuu intii itaalkiisa ah ka qayb qaato samato bixinta jasiiradda masiibadu haleeshay.
Talo waxay faraha ka baxday markii biyihii ay gebi ahaanba soo dul mareen jasiiradii sidaasna ay ku degtay oo ay noqotay meel badda hoosteeda ku taal.Laga wada baxsay jasiiradda intii nasiibku u saamaxay ee itaal iyo talo isbiday, laakiinse odaygii Jacayl oo meeshii keligii sii taagan ayaa waxa uu isaga oo naf la carar ah u dhawaaaqayaa doon meesha maraysa. Doonta waxa saaran oo iska leh ” Taajirnimo”. Jacayl ayaa ku odhanaya ” Fadlan, taajirnimooy hayga tegin oo doontaada igu qaad”. Hase yeeshee taajirnimadii waxay ugu jawaabaysaa:” Jacaylow, waan ka xumahay oo doontu way buuxdaa, meel aan ku saaarona ma jirto, waxa ka buuxa dahab iyo dheeman”. Waxa meeshii hadana so maraya ” Islaweynida” oo wadata markab aad u qurux badan. Jacayl ayaa codsigiisii dhiibanaya, hase yeeshee waxa loogu jawaabayaa :” Maya, ima soo fuulaysid, waayo waad qoyantahoo waxyeelo aad gaadhsiinaysaa markabka, markaa uma baahni cid dhib ila soo korta”.
Jacayl oo yaaban ayaa haddana waxa soo agmaraysa ” Muruggo “. Sidii si leeg ayuu haddana Jacayl ugu dhawaaqayaa codsigiisa ah in la sii qaado oo la badbaadiyo, laakiin jawaabtu kama gedisna intii kuwii horeba ugu jawaabeen:” Jacaylow, waan ka xumahay, hadda waxan rabaa inaan keligay ahaado oo aan murugadayda ku jiro, ee nabadgelyo saaxiib.” Daqiiqado kadibna, “Farxaddii” oo markab wadata ayuu arkaa, wuu u qaylinayaa oo gargaar weydiisanayaa, laakiin dhegba jalaq looma siin oo Farxadduu iyadaaaba isku buuqsan oo damaashaad dheer ayay ku jirtaa, sidaas darteed maba maqlayso qaylo dhaanta jirta.
Jacayl oo talo ku caddaatay, dhabanno haysashona kasoo hadhay, oo cid uu ciirsadona aanay jirin, hayjadaasna lagaga wada dhaqaaqay,aanna gaadiid uu ku badbaado haysan, tamartiina ka dhamaatay oo inoo isdhiibo ku dhow ayaa markeliya si lama filaan ah maqlaya yeedhmo, wuu jalleecayaa mise waa oday da’du godday oo hoos u foorara oo leh :” Jacaylow, kaalay aan ku badbaadshee oo aniga isoo raac”. Farxad ayuu la kowsanayaa Jacayl, markiiba wuxu fuulayaa doontii isaga oo marna xasuusanaya khatartii uu ku sugnaa marna yaaban oo u qaadan waa ku jira, sidaas ayayna ku gaadhayaan dhulkii berriga.
Markii Jacayl doontii ka degay ayuu odaygiina dantiisa u dhaqaaqay, laakiinse Jacaylku wuxu ilaaway inuu odayga weydiiyo magaciisa. Isaga oo sii jaleecaya odaygii sii libdhayay ayaa waxa soo garab maraya ” Garasho” wuxuna ku odhanayaa” Tolow kumuu ahaa odaygan isoo badbaadiyey”. Garashadii ayaa ku odhanaysa:” Wuxu ahaa Waqti”. Jacayl ayaa amakaag dartiis sidii tiirka udub dhexaadka guryaha istaagaya, wuxuna isagoo yaaban odhanayaa :” Oo Markaa muxuu waqtigu aniga ii caawiyey markii lay wada diiday ee dhegaha layga furaystay”.
Garasho ayaa hadalka kusoo noqonaysa oo iyada oo dhoola cadaynaysa odhanaysa:” Waqtiga oo keliya ayuunbaa fahmi kara weynida Jacaylka”
Sidaas ayaana jacayl ku badbaadayaa, laakiinse waxa la yaableh qofka soo badbaadiyay oo mudan in lays waydiiyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada