Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay sugeyso Ammaanka Culimada Soomaaliyed

Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay sugeyso Ammaanka Culimada Soomaaliyed

daajis.com:-Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal ku bixineyso sidii ay u sugi laheyd ammaanka Culimada Soomaaliyed, kadib markii shalay uu isku day dil uu ka bad baaday Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay naxdin gelisay isku dayga la doonayay in lagu qaarijiyo Sheekh Bashiir, isagoo tilmaamay in isku daygaas ahaa mid fashilmay
“Runtii waa arrin aad noo naxdin gelisay, in la isku dayo inay dilaan Sheekh Bashiir kheyr alle ha siiyo, Sheekh bashiir iyo asxaabtiisa waxay umada u sheegeen xaqa, nabad diidka in aysan maslaxad wadin in aysan diin wadan”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Waxaa uu sheegay in wixii suura gal ah ay oo nabadgelyada culimada lagu sugi karo ay sugayaan, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan nabadgelyada culimada.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inuu qaraxaas ku tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan kuwii dilay culimada ee dadka waxgalka ah u bulshada beegsanayay, isagoo tilmaamay inay baaritaan wadaan.
Shalay ayay aheyd markii gaarigiisa loogu xiray qarax, dabadeedna uu qarxay, inkastoo aanu Sheekh wax soo gaarin, hadana gaariga ayaa bur buray, gaar ahaan muraayadihii iyo kursigii uu fariisan jiray.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada